TPLF oo dagaallo culus oo rogaal-celin ah ku qaadday ciidanka Xabashida Itoobiya.

Monday October 19, 2026 - 11:28:57
MeMO Staff
Dagaalka ka holcay waqooyiga Itoobiya ayaa lasoo wariyey in uu sii xoogaystay kadib markii maleeshiyaadka TPLF ay weerarro ba'an oo rogaal-celis ah ku ekeeyeen qaar ka mid ah magaalooyin ay dhawaan qabsadeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Sida ay wararku tibaaxayaan, cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo saacadihii lasoo dhaafay la kulmay weerarro culus ayaa lagu qasbay inay dib uga gurtaan magaalooyin ay ka mid tahay Zalambessa iyo Rama, oo dhaca dhinaca xuduudda Eretariya.

Geesta kale, ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka TPLF ay la wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Hagere Selam, oo qiyaastii 40 kiiloomitir dhanka waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda gobolka Tigray ee Maqalla.

Sidoo kale jabhadda Tigreega ayaa la sheegayaa in gacanta ay ku dhigeen dhowr deggaan oo dhaca geesta waqooyi galbeed ee gobolka. Iyadoo ciidamada Itoobiya ee dibu-garashada bilaabay la sheegay in qaarkood ay ku laabteen magaalada Adwa.

Waxa kale oo jira warar sheegaya in maleeshiyaadka TDF ay aad u soo buux-dhaafiyeen hareeraha Maqalla, oo dhinac walba ay ka jiraan iyadoo la sheegay in suuro-gal ay tahay in xilliyada soo socda ay aaggaasi isku fara saaraan labada dhinac.

Si kastaba ha ahaatee, xaalku wuxuu u egyahay mid hadda uun bilow ah, maadaama TPLF ay isku diyaarisay qaab u muuqda mid daba furan oo jabhadayn ah oo ay doonayso inay ku dhiig-bixiso, jilbahana dhulka ugu dhufato ciidamada Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences